Sooyaal News, Nearest to Somaliland
  

Main Menu
   Home
   Sooyaal News
   Sooyaal Articles
   Archive
   Links
   Contact us

Search Sooyaal


Visitors Online now


Number of Visitors


Related Articles
• Sarkaal Milatari oo Lagu Dilay Caynabo Iyo Xukuumadda oo Tafaasiil ka Bixisay Halka ay Galeen Baadhitaannii Qaraxyada Laascaanood
• HOGAAMIYAYAASHA MUXAAFIDKA OO GUDDOOMIYE KU XIGEENKA GUURTIDA SH.AXMED SH.NUUX KU EEDEEYEY IN UU KA MAAGAYO MAWQIFKIISII ISKU SHAANDHAYNTA
• HEES AY DALBATAY AWGEED AYAA LAGU FURAY
• WAA NAASIB DARRO INAAN WALI WAXBA LOO QABAN AGOONTII MARXUUN BULLAALE ,MADAXWEYNAHA WAXAAN LEEYAHAY WIXII AAD BALAN QAADAY FULI AMA WAXBA UMA QABAN KARO DHEH
• Rayaale oo ka Muquurtay ka Qaybgalka Xuska Maalinta Ciidanka Qaranka Iyo Siilaanyo oo ka Xumaaday Darajo La’aantooda....
• MUDANAYAASHA GUURTIDA OO DIIDAY IS-CASILAADDA GUDDOOMIYE-XIGEENKA 1AAD EE GOLAHAAS


Sooyaal News
Tobabarka Gudiyadda Doorashada Gobollada oo ka furmay Hargeysa
Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Axmed X. Cali CAdami, ayaa sheegay in howsha Komishanka ee ay gacanta ku hayaan ay tahay shaqo culus oo aan si hawl yar lagaga bixi Karin, una baahan tahay dedaal iyo daacad xornimo loogu hawlgalo.
Tabobar ku saabsan Nidaamka Doorashada iyo sidii Komishanka Gobolladu ay si caddaalad ah ugu xaqsoori lahaayeen Axsaabta iyo Xubnaha u tartamaya Doorashada Baarlamaanka aytaa shalay guddiyada
 
Doorashooyinka Gobollada Hargeysa iyo Saaxil uga furmay Hoolka
Shirarka ee Jaamacadda Hargeysa.
Tabobarkaas waxa ka qaybgalay 43 xubnood oo ka mid ah Xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee gobollada Hargeysa iyo Saaxil, iyada oo muddada uu socdo oo dhowaan shan maalmood ay ku qaadan doonaan duruus la xidhiidha Xeerka Doorashada iyo sidii si hufan oo caddaaladi ku jirto loogu xaqsoori lahaa Doorashada Wakiilada.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, Md. Axmed X. Cali Cadami, oo furitaankii tabobarkaas ka hadlay ayaa masuuliyiinta Komishanka ee gobollada iyo degmooyinka Somaliland ku booriyay in si hawlkarnimo ku jirto ay uga soo dhalaalaan howlah aculus ee ay ummadda u hayaan, tabobarkana ka faa’iidaystaan kuna dabaqaan hawl maalmeedkooda shaqo.
Mr. Cadami, waxa uu sheegay in Doorashada Wakiiladu ay tahay tubtii ugu dambeysay ee Somaliland ku tijaabinaysay hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalku u guuray. Guddoomiyuhu isaga oo xubnaha Komishanka ee gobollada Hargeysa iyo Saaxil la dardaarmaya, waxa uu yidhi; Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, oo markii guddiyadan (Komishanka Doorashooyinka Qaranka) nala magacaabay shir nala yeeshay ayaa yidhi; xil culus oo aan hawl yari lagaga bixi Karin ayaa la idiin magacaabay oo Baaxada hawsha ayuu ogaa waxa uuna yidhi; ‘haddii xukunku idinku adkaado oo qodob aad ku margataan idinka horyimaado dhinaca garsoorka marka ay noqoto annaga iyo Mucaaradka, Mucaaridku waa yara xayraane xagayga u soo liica, ayuu yidhi Cadami, waxana uu intaas ku daray; Hawshu waa mid culays leh ee ku dedaala in aad si daacad ah oo xor ah u shaqaysaan.
Sida oo kale, waxa hadalo kooban furitaankii tabobarkaas ka jeediyay khabiir ajenabi ah oo u dhashay Wadanka Denmark, kaas oo la taliye u ah guddida doorashooyinka qaranka, waxana uu sheegay in Somaliland ay ku guulaysatay doorashooyinkii hore, waxana uu tilmaamay in komishanka gobollada iyo degmooyinka looga baahan yahay in ay u adeegaan si xor ah.
Waxa isna halkaas ka hadlay, Prof. Maxamuud Ibraahim ah oo ka mid ahaa tabobarayaashii tabobarkaas kana tirsan Jaamacadda Hargeysa.
 
wariye maxamed ahmed (caloolay)
sooyaalnews
hargaysa

Date: 2005-07-14
Readed 538 Times

Copyright ©2005 to Sooyaal News.           Powered By: Online-Today.net